Dibadbax lagu dalbanayay joojinta dagaalka Laascaanood oo ka dhacay Mareykanka.
Dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Washington waxaa ka dhacay dibadbax ka dhan ah dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool maalintii 20aad ee sababay dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka.
Dadka dibadbaxa ka qaybgalay oo watay calanka Soomaaliya & boorar ay ku qoran yihiin oraah liddi ku ah sii socoshada dagaalka ayaa dalbaday in shuruud la’aan loosoo afjaro dagaalkaas oo xaalad xasilooni darro ah geliyay Magaalada Laascaanood.
Cabdirashiid Maxamed Faarax oo kamid ah Dadka ka qaybgalay dibadbaxa ayaa maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Somaliland ku eedeeyay in uu ‘Xasuuq’ ka geystay Magaalada Laascaanood, shuruud la’aan ayuu dalbaday in ciidankiisa uu ka saaro Magaaladaas.
“Carruurta, Odoyaasha & Haweenka in la laayo xaaraan weeye, Somaliland xoog kuma qabsan karto, 500,000 (Shan boqol oo kun) oo ruux ayaa qasab looga barakiciyay Laascaanood, carruur, Haween iyo ciroole ayaa bannaanka Daadsan, Muuse Biixi kama yeeleyno mana ka aqbaleyno” Cabdirashiid Maxamed Faarax.
Khadra Xaaji oo kamid ah Haweenka ka qaybgalay dibadbaxa ayaa sheegtay in dhibaatooyin xooggan ka jirto Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool, waxa ay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqday in uu xoojiyo dedaalka uu ku bixiyay xasiloonida Magaaladaas.
Fowsiya Xaaji Dirir Ciise ayaa dhankeeda sheegtay in aanay la joojin waqti dagaalka lasii huriyo, waxa ay ku baaqday in loo turo Dadka birimageedada ah ee dhibaatooyinka u geysanayaan Ciidamada Somaliland waa sida ay hadalka u dhigtay.
In ka badan 100 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood, dhaawaca waxa uu kor u dhaafay 500 oo qof halka ay barakaceen dad kor u dhaafaya 185,000 oo qoys.