Dhowr qof oo lasoo werinayo in la toogtay dibadbaxyada Kenya ka dhacaya

0
28

Dhowr qof oo lasoo werinayo in la toogtay dibadbaxyada Kenya ka dhacaya

Wararak la xiriira banaanbaxa ka dhacaya kenya ayaa sheegaya in dad la toogtay, kuwaas oo ay ku jiraan qof la sheegay in lagu dilay Machakos, oo ah magaalo qiyaastii 60km (38 mayl) u jirta caasimadda.

 

Dhowr qof ayaa sidoo kale la sheegay in dhaawacyadooda loola cararay isbitaalka weyn ee caasimadda, ka dib markii sida la sheegay ay booliisku toogteen intii ay socdeen mudaaharaadyada, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Citizen TV, oo soo warineysa in ugu yaraan 10 qof la toogtay, ayaa soo bandhigay muuqaal, bukaanno la geynayo Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta, ee Nairobi.

Muuqaalkaas, ayaa nin uu u sheegay warfidiyeenka in booliisku ay bilaabeen inay rasaas ku furaan, mid ka mid ah asxaabtiisana la toogtay.