DEG DEG : Xildhibaan Mubaarik Bidhi Oo Xabsiga Ku gurey Qaar ka mid ah Suxufiyiin Burco, Xilli ay Madaxwayne Muuse BiIxi War ka Duubayeen

0
495

DEG DEG : Xildhibaan Mubaarik Bidhi Oo Xabsiga Ku gurey Qaar ka mid ah Suxufiyiin Burco, Xilli ay Madaxwayne Muuse BiIxi War ka Duubayeen

Laba weriye oo ka hawlgala warbaahinta gobolka togdheer oo xabsiga la dhigay xilli ay duubayen kormeerki madaxweynaha Weriyaashan ayaa ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn sababta xadhigooda balse ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta afkashacabka u sheegay inu dacwad ku oogay xildhibaanka awoodda badan ee golaha degaanka xiildhibaan bidhi oo ku tagri fala awoodaha maayarka iyo badhasabka gobolka.

Labadan weriye oo la kala yidhaa Nuux Maxamed Cabdi iyo shiine ayaa la geeyey saldhiga dhexe ee magaalada burco.
Weriyaasha gobolka togdheer ayaa ka cadhooday  xadhiga labada weriye  waxaanay ku guuldarraysteen xidhiidho ay la sameeyeen xildhiban bidhi kadib markii qaarna uu ka qaban waayey qaarna uu ganafka ku dhuftay dalabkooda.
Xildhibaan bidhi ayay dhowaan ku mudaharaadeen shacabka magaaladu kadib marki ay fahmi waayeen awoodaha dheeraadka ah ee uu isticmaalo ee ka duwan awoodaha xildhibaanada kale ee golihiisa sido kale waxa la sheegay in weriyaashani so bandhigeen fadeexado dul hoganaya oo ay ka mid tahay baabuur bas ah oo uu ku qaatay magaca daryeelida darbijiifta oo ay ku deeqday marwadi hore ee qaranka oo la garan la yahay halka uu ku danbeeyey baskaasi.
Gebogabadi waxa laga war dhowraya jawaabta uu madaxweynuhu ka bixiyo xadhiga weriyaashan lagu soo beegay socdaalka shaqo ee madaxweynuhu ku marayo togdheer, iyadoo qaar kamid ah warbaahintu ay sheegeen in xadhigani  noqon karo mid  xildhibaanku khalkhal ku gelinayo socdaalka madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here