DEG DEG : Qadar oo guul caro abuurtay ka gaartay Imaaraadka Kadib Markii 4-0 ku garaacday

0
816

DEG DEG : Qadar oo guul caro abuurtay ka gaartay Imaaraadka Kadib Markii 4-0 ku garaacday

Qadar ayaa 4-0 ku garaacday waddanka Marti galiyay tartanka koobka Aasiya ee Imaaraadka Carabta, si ay u gaarto finaalka koobkaas, iyadoo ciyaartaasna ay taageerayaasha imaaraadka kabaha ku tuureen ciyaarytoyda kasoo hor jeedda ee xulka Qadar.

Taageerayaasha gurigooda jooga ayaa dhalooyin iyo kabo kusoo tuurayay marka ay ciyaartooyda Qadar u dabaaldagayeen goolashooda intii lagu jiray ciyaartaas oo ka dhacday magaalada Abu Dabi.

Sidoo kale taageerayaasha kubadda cagta ee Imaaraadka ayaa buuq ku hareeyay astaanka qaranka ee dalka Qadar, oo marti galin doona koobka adduunka ee sannadka 2022-ka.

Fowdada ay sameynayeen taageerayaasha Imaaraadka iyo carada ay ka qaadeen natiijada ciyaarta ayaa salka ku heysa xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada waddan.

Qadar ayey horay go’doon u galiyeen qaar ka mid ah wadamada carabta ee deriska la ah oo uu ka mid yahay Imaaraadka carabta, kadib markii lagu eedeeyay in ay taageertay argagixisada.

“Taasi xaalad sahlan ma ahayn,” Ayuu yiri tababaraha dalka Qadar Felix Sanchez oo ka hadlayay sida ay xaaladdu ahayd markii garoonka lagu jiray.

“Ciyaartoyda waa ay ogaayeen in uu halkasi ka jiro cadaadis badan, balse si wanaagsan ayay u xakameeyeen dareenkooda. Anigana aad baan ugu faanayaa”, ayuu yiri Sanchez.

Laaciibka lagu magacaabo Boualem Khoukhi ayaa goolkii ugu horreeyay Qadar u dhaliyay daqiiqaddii 8-aad ee ciyaarta, ka hor inta uusan ciyaartoga kale ee la yiraahdo Almoez Ali u labeynin daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybtii hore ee ciyaarta.

Goolkaas ayaa sidoo kale ahaa kii 8-aad ee uu Almoez Ali ku dhaliyo tartankan.

Markii la isku soo laabtay qeybdii dambe ayey goolasha badiyeen Hassan Al-Haydos iyo Hamid Ismail, waxaana ay Qadar sidaas markii ugu horreysay ku gaartay Fiinaalka koobka Aasiya.

Ciyaarta finalka oo jimcaha dhici doonta ayay la ciyaari doonaan dalka Jaban oo afar jeer ku guuleystay koobkan.

“Kab-tuuridda Imaaraadka iyo ku tumashada Qadar ma aha kuwo dhakhso lagu illoobi doonno”

Ciyaarta ka hor, ma sahlaneyn in la qiyaaso dareenka dadka, waxaana laga dhur sugayay oo kaliya dhinaca ay natiijada u jihaysaneyso.

Laakiin markii lagu buuqay astaanta qaranka Qadar, wax walba way kala caddaadeen shakina kuma jirin in cadaawad ay ku dheehan tahay ciyaarta.

Go’aanka taageerayaashu wuu caddaaday.

Hase ahaatee marka laga soot ago oorinta lagu oorriyay astaanta qaranka Qadar, markii dhowr jeer la isku baasay kubadda, taageerayaasha imaaraadka waxay u muuqdeen iney aad u xiiseynayeen taageeridda kooxdooda.

Laakiin taasi waxay ku ekeyd 37 daqiiqo.

Kadib markii gool dhaliyaha hoggaanka u haya Koobka Aasiya, Almoez Ali, uu gool la helay shabaqa si uu ciyaarta uga dhigo 2-0, dabaaldeggiisii wuxuu sababay in dadkii cayaarta daawanayay ay kabo ku soo tuuraan.

Gudaha Bariga Dhexe, in kab lagugu weeraro micnaheedu waa in si xun laguu caayay sababtoo ah waxay taasi muujineysaa in qofka sidaas lagu sameeyay uu ka liito wasakhda ku taalla kabta dusheeda.

Ciyaarta inteeda kale, gantaallo caag ah ayaa si joogto ah loogu tuurayay ciyaartoyda koornada soo tuureysay.

Balse markii uu Hasan Al-Haydos oo u dheela Qadar ciyaarta ka dhigay 3-0, taageerayaasha Imaaraadka ayaa aad u niyad jabay.

Kabo badan oo dheeraad ah ayaa garoonka ay ciyaartoyda ku jirto lagu soo weeraray, waxaana dib u dhac uu ku billowday ciyaarta ilaa heer ay kooxda Imaaraadka ka dalbadaan dadweynaha iney ka joojiyaan fowdada.

Haddaba si dhaqso ah laguma illoobi doono Kab-tuuridda taageerayaasha Imaaraadka Carabta iyo sida ay Qatar ugu tumatay mid ka mid ah dalalkii xayiraadda saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here