DEG DEG : Cabdi Weli Gaas oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada dhaceysa bisha January.

0
681

DEG DEG : Cabdi Weli Gaas oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada dhaceysa bisha January.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee maamulka Puntland, C/Weli Maxamed Cali (Gaas), ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan MadaxtinimPuntland.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe, ayuu ku shaaciyay musharaxnimadiisa, Isagoo Xildhibaanada ka dalbaday iney codka siiyaan, si uu u dhameystiro qorshihiisa la xiriira horumarinta deegaanada Puntland.

C/Weli Gaas, waxa uu sidoo kale soo bandhigay waxa u qabsoomay Maamulkiisa, mudada uu xafiiska fadhiyo, isagoo ku faanay inuu wax badan ka qabtay Nidaamka Dowladnimada.

Si Kastaba, Puntland ayaa galeysa bilowga bisha January ee Sanadka 2019, iyadoo xilkaasi ay isu sharaxeen Musharixiin badan oo ay ku jiraan Janaraalo Ciidan, walise ma jirto cid buuxisay SHuruudha musharaxnimada.

Gaas oo hore u soo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Dowladdii KMG-ka eheyd ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ayaa Sideedii  bishii January 2014, loo doortay Madaxweynaha Puntland, isagoo ka guuleystay Musharixiin uu kamid ahaa C/raxmaan Faroole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here