Dalalka Ruushka Iyo Iraan Oo La Sheegay In Ay Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

0
312

Dalalka Ruushka Iyo Iraan Oo La Sheegay In Ay Hayaan Xogta Codbixiyeyaasha Mareykanka

Xafiiska dambi baarista gudaha Mareykanka ee FBI ayaa sheegay in ay hayaan warar sheegaya in saraakiil Iran iyo Ruush ahi ay ku lug yeelan doonaan doorashada Mareykanka, sida uu sheegay Agaasimaha Hey’addaas John Ratcliffe.

Agaasimaha ayaa sheegay in saraakiil Amerikaan ah heleen xog ku aadan in hanaanka diiwaan gelinta doorashada Mareykanka heystaan sirdoonka Russia iyo Iran, xilli doorashada Mareykanka  ka harsan tahay 13 maalin oo keli ah.

Mr. Ratcliffe, waxaa uu sheegay in sirdoonka Iran oo magaca kale huwan ay Emailo u soo direen codbixiyeyaasha Dimoqraadiga ayagoo abuureya xiisad iyo waxyeeleynta madaxweyne Trump. Isagoo intaas ku daray in xogta codbixinta oo la been abuuray loo ekeysiinayo mid sax ah isla markaana xaalad jahwereer ah keenaysa, taas oo hor seedi karta kalsooni la’aan ku timaada hanaanka dimoqraadiyadda Mareykanka.

Agaasime Ratcliffe, ayaa sidoo kale sheegay in uusan arag saraakiil sirdoonka Russia ka tirsan, laakiin uu aamisan yahay in ay hayaan macluumaadka doorashada Mareykanka ku saabsan.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka waxay sheegeen in hanaanka doorashada Mareykanka uu yahay mid sugan oo lagu kalsoonaan karo,hase ahaatee ma sheegin sida xogtan lagu heley iyo waxa dowladda Russia ka damacsan tahay faragelinta doorashada Mareykanka.

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in 2016 Kremlin uu farageliyay doorashada Mareykanka ka dib markii loo dhacay xogaha doorashada Mareykanka lana carqaladeeyay murashaxnimada Hillary Clinton. Hase yeeshee Iran wali uma suurtagalin in ay xadaan xogaha doorashada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here