Dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxay Muuse Biixi & Eng. Waraabe

0
67

Dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxay Muuse Biixi & Eng. Waraabe

Dagaal siyaasadeed ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha Somaliland ahna musharaxa Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Feysal Cali Waraabe.

Labada nin ayaa saacadihii la soo dhaafay hawada isku mariyey ereyo kulul oo midba uu kan kale ku weerarayo, arintaasoo si weyn u qabsatay baraha bulshada.

Muuse Biixi oo taageerayayaasha Xisbigiisa la hadlay ayaa Feysal Cali waraabe nku tilmaamay nin gaboobay oo daalay, wax rajo ahna ka qabin inuu hogaamiyo Somaliland

“Faysal Cali Waraabe wuu gaboobay oo dadku wuu ka daalay, maantana rajada xisbigiisu ma fiicna oo 20 sano ayuu dadka horjoogay bulshaduna qof 20 sano horjoogay waa lala yaabayaa” ayuu yiri Muuse.

Waxaa hadalkaas jawaab kulul ka bixiyey Faysal Cali Waraabe bartiisa Twitterka soo dhigay qoraalka hoose.

“Afartan sano ayaad dadka xumman iyo qabyaalad la dhex joogtay, Madaxweynihii dalka xoreeyay ee Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur (AUN) ayaad kabaha kala baxday, Cigaal (AUN) ayaad dhibtay, Riyaale ayaad ku tidhi dhanged ayaan Madaxtooyada kaaga soo saarayaa, Siilaanyo ayaad Shani Ku qarxisay, Somaliland ayaad reer reer u qaybisay Ciidanki Qaranka ayaad jabisay dalkii ayaad ku soo Ururisay Oog. Maanta haddii aad damiir lahaan laheyd waad is casili laheyd ee Ilaahay Somaliland hakaa badbaadiyo, cadow kasta adigaa ka khatar badan. Anigu Sharaf iyo magac ayaan la joogay dalka. Waxaan taro Mooyee dhibaato lama joogo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Hadalka labada nin ayaa ku soo aaday xili Somaliland uu ka socdo ololaha doorashada Madaxweynaha kaasoo ku loolamayaan Madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi oo mar kale doonaya inuu xilkaas qabto iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo uu ka mid yahay Feysal Cali Waraabe.