Dadka ku dhintay Dhul-gariirka Ku dhuftay Turkiga & Suuriya oo gaaray 50 Kun oo ruux.
Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay dhul-gariirka ku dhuftay Turkiga & Suuriya 6dii Febaraayo 2023 maadaama dhismaha dumay laga soo hoos bixinayo dadka raq iyo ruux lagu waayay.
Waaxda Maareynta iyo Musiibooyinka Turkiga u qaabilsan ayaa xaqiijisay geerida 44,218 (Afartan & afar kun, labo boqol, toban & Siddeed) qof halka Suuriya dhankeeda ay sheegtay in ay diiwaanka gelisay 5,914 (Shan kun, sagaal boqol, toban & afar) ruux.
Kooxaha gurmadka qaabilsan oo kaashanaya qaar kamid ah khubarada Turkiga ay u direen waddamada saaxiibada la ah ayaa wadajir u raadinaya dadka xogtooda la waayay si loo xaqiijiyo noloshooda ama geeridooda.
Boqolaal kun oo ruux ayaa ku guryo waayay dhul-gariirka xooggiisa lagu sheegay 7.7 Magnitude, Cabsi awgeed ayaa dadka laga mamnuucay in ay dib u degaan guryaha qaar oo looga shakiyay in ay dumaan haddii Dadkii degenaa ay dib ugu laabtaan.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhul-gariirka ku dhuftay dalkiisa ku tilmaamay musiibo dalkiisa uu kasoo kaban doonno, waxa uu u mahadceliya dhammaan Dalalka la qaybsaday xannuunka.