Dad ka badan 25 qof oo ku dhintay Galbeedka dalka India ka dib markii..
Gaari bas ah ayaa shil galay oo dab qabsaday, waxaana ku dhintay ugu yaraan 25 qof gobolka Maharashtra ee galbeedka Hindiya saacadihii dambe ee xalay, booliska iyo saraakiisha ayaa sheegay.
“Basku wuxuu ka yimid magaalada Nagpur, isagoo ku socday Pune markii abbaaro 1:35 gelinkii dambe uu shil ku galay jidka Samruddhi Mahamarg, ka dib taangiga naaftada ee baska uu dab qabsaday,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska oo la hadlay Reuters.
“Dhimashada ugu badan waxay ka dhalatay gubasho, dadka qaarkoodna wejiyadooda lama aqoonsan karo” ayuu intaas ku daray.
25 qof ayaa dhintay 8 kalana waa la dhaawacay ayuu yiri Ku xigeenka madaxa gobolka Maharashtra Devendra Fadnavis oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Madaxa gobolka Eknath Shinde iyo Raisal wasaaraha Narendra Modi ayaa sheegay iney murugada la qeybsanayaan qoysaska dhibaatadu soo gaartay.
Waxay sheegeen inay siin doonaan taageero qoys kasta oo dhibane ah, taasoo dhan 700,000 rupees oo lacagta Hindiya ah, una dhiganta ($ 8,500).