Dad Careysan Oo Maalintii Labaad Banaanbax Ka Wada Magaalada Muqdish
Darawalada Gaadiidka dadweynaha ee isugu jira BL-ka iyo Mooto Bajaajta ayaa maalintii labaad banaan bax ka wada magaalada Muqdisho, iyagoo banaan baxooda ku salleynaya cabasho ku aadan xirnaanshaha waddooyinka xiran ee magaalada.
Banaan baxayaasha ayaa saaka xirtay Isgoyska KM4, iyagoo gaadiidkooda ku gooyay wadada bartamaheeda, waxaana ay u muuqdaan in dibad baxooda uu yahay mid abaabulan oo ay ku muujinayaan cabashadooda la xiriirta waddooyinka xiran.
Maalintii shalay ayay aheyd markii sidan oo kale banaan bax saacado qaatay ay ka dhigeen Isgoyska Zoobe iyo wadada aada Buulo Xuubey oo mudadaas ay isu socodkeeda xayireen.
Qaar ka mid ah darawalada ayaa ku andacoonaya in aanay meel isla gelin inay canshuurna bixiyaan iyo waddooyinka xiran, waxaana ay xuseen in howl maalmeedkooda uu ku soo koobmay hal dhinac magaalada ah, halka dhinaca kale aan loo gudbi karin, haddii loo gudbana aanay dhanka kale ee magaalada loo soo laaban karin.
Ciidamada Ammaanka ayaa horay u xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo uu hakad galay in gawaarida ay ka soo gudubto wadada Wadnaha, tusaale gaadiidka ka shaqeynaya dhanka degmooyinka saaran wadada Maka Al-Mukarama ayaa rakaabka ku dejinaya agagaarka Wadada wadnaha, halkaasoo dadka ay ka lugeynayaan oo daanta kale ee wadada ka raacayaan gaadiidka kale ee aadaya Wadada Sodonka illaa Warshadaha.
Gaadiidkii maalin kasta labada dhinac magaalada isaga kala gooshi jiray ayaa ku soo koobmay hal dhinac jidadka xiran awgiis, waxaana darawalada ay tilmaameen in maalintii ay u shaqeeyaan shidaal oo kaliya, balse aanay wax faa’ido kale heysan, tiiyo ay u sii dheer tahay canshuurta.