Dacwad Oogaha Britain Oo Dalbaday In Dacwad Lagu Soo Oogo Putin

0
239

Dacwad Oogaha Britain Oo Dalbaday In Dacwad Lagu Soo Oogo Putin

Dacwad oogaha Britain, oo hoggaaminayay dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha Serbia, Slobodan Milosevic, ayaa dalbaday in madaxweyne Putin-ka Ruushka lagu maxkamadeeyo dambiyada dagaal ee uu ka geystay dalka Ukraine, sanadkan.

Geoffrey Nice, ayaa BBC-da u sheegay in kiiska ka dhanka ah Putin ‘uu yahay mid waadix ah’, isaga oo sheegay in uu galay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Wuxuu intaa ku daray inuu mas’uul ka yahay duqeymaha goobaha dadka rayidka ah.

Dowladda Ruushka, ayaa waxa ay sheegtay inaanay beegsanayn ciidamadeeda dadka rayidka ah.

Geoffrey Nice, ayaa su’aal galiyay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay ka caga jiideyso inay dacwad ku soo oogto Putin.

Inkastoo ay baarayso dambiyada ka dhacay Ukraine, haddana, sababta ayaa lagu sheegay iney tahay suurtagal in laga cafiyo Putin dambiyada, taasoo qayb ka ah heshiis nabadeed oo suurtagal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here