Dabley hubeysan oo rasaas ku furay Markab markab maraayay Xeebaha Magaalada Muqdisho.

0
3

Dabley hubeysan oo rasaas ku furay Markab markab maraayay Xeebaha Magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dabley hubeysan oo weerar ku qaaday Markab ganacsi oo qaada Kiimikada kaasi oo maraayay meel u dhow magaalada Muqdisho.

 

Markabka la weeraray ayaa magaciisa lagu sheegay Stolt Sagaland, waana markab nooca kiimikada qaada oo laga leeyahay jasiiradda Cayman Islands.

 

Sida ay sheegtay shirkadda Stolt-Nielsen, oo ah mulkiilaha markabka, weerarka ayaa dhacay aroornimadii 3-dii Noofambar, balse nasiib wanaag lama soo gaarin waxyeello ama dhaawac.