Dab Khasaare Gaystay Oo Ka Kacay Xaafad Ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho

0
426

Dab Khasaare Gaystay Oo Ka Kacay Xaafad Ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan barqannimadii Maanta ka dhacay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo heystay khasaaro hantiyadeed oo badan.

Dabka ayaa marka horey ka bilowday Guri ku yaalla meel ku dhow beerta Jaadka ee Magaalada Muqdisho, kadibna waxaa uu kusii faafay guryo kale oo ku deganaa, isla markaana waxaa uu socday muddo ku dhow saacad, wallow markii dambe la demiyay.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tegay goobta oo bilaabay gurmad lagu deminayo dabkii qabsaday guryaha, waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen Waaxda dab demiska iyo dadka deegaanka ku guuleysteen deminta dabkaas.

Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dabka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo badan, balse uusan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay, uuna baabi’iyay afar guri, wuxuuna marka horey dabka ka dhashay koronto.

Guryo ku yaalla xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga ka kacay dab geystay khasaaro kala duwan, waxaana mararka qaarkood gaadiidka dab demiska ku adkaata inay gaaran goobaha dabka ka kacaan, sababo la xiriira xaafadaha qaarkood oo ah kuw isku raran ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here