DAAWO: Madaxwaynaha Dawlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdlaahi Farmaajo Oo Tacsi U Diray Abwaan Baarleex Oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya

0
656

DAAWO: Madaxwaynaha Dawlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdlaahi Farmaajo Oo Tacsi U Diray Abwaan Baarleex Oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex oo ku geeriyoodey waddanka Hindiya.

“Alle ha u naxariisto Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex oo ku geeriyooday Hayderabad, Hindiya. Wuxuu ahaa abwaan gole-ka-fuul ah oo af iyo addinba ku difaacay dalka iyo dadka. Qoyskiisa iyo qarankaba Eebe sabar iyo iimaan haka siiyo, isagana jannadii Firdawsa Alle haka waraabiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Abwaan Baarleex ayaa ka mid ahaa Abwaanada Somaliyed kuwooda loogu jecel yahay ee taariiqda ku leh dalka.

Waxa uu suugaan badan ka tiriyay xaalado kala duwan, islamarkaana Aqoonyahanka Somaliyed waxa ay xusuustaan doorkiisa horumarinta Afka Somaliga & Suugaanta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here