DAAWO: Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ee Maanta Lagu Soo Gunaanaday Magaalada Borama Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsanyihiin

0
822

DAAWO: Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ee Maanta Lagu Soo Gunaanaday Magaalada Borama Iyo Waxyaabaha Ay Ku SaabsanyihiinMadaxweynahaSomaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa soo xidhay shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta kusoo gebogeboobay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo ay ku sugnaayeen 200-xubnood, ayaa waxa ay ugu horrayn xubnuhu gudo galeen ajandihii maanta u ayaallay, waxana ay ansixiyeen 65-xubnood oo cusub, kuwaas oo lagu buuxiyey jagooyin ay banneeyeen xubno siyaabo kala duwan xisbiga uga tegay iyo qaar sharciyadda la waafajiyey oo xisbiga laga saaray.Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa si gaar ah cod ugu qaaday go’aan xisbiga lagaga saaray shan xubnood oo hore xisbiga looga saaray, kaddib ay sharciyadda xisbiga   ka hor yimaaddeen, waxana ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen go’aankaas uu xisbigu hore u gaadhay.Intaas kaddib xubnaha golaha dhexe, ayaa gudo galay buuxinta jagooyin  guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe oo bannaanaaday, waxana  madasha laga iclaamiyey inay badka is keenaan cidkasta oo hunguri ka hayo  qabashada jagooyinka  bannaanaaday, iyada oo ay jagada guddoomiyaha iyo ku-xigeenkaba si furan ugu tartameen tiro  xubno golaha dhexe ahi.Guddoomiyaha golaha dhexe, ayaa loo doortay xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo hore iskaga casilay jagada guddoomiye-ku-xigeenka, kaas oo helay  257-xubnood oo golaha dhexe ah, halka Shariif Abokor Maxamed oo jagadan kula tartamay uu ka helay 13-cod, iyada oo jagada guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe loo doortay Aqoonyahan Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow).Shirka golaha dhexe ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey in muddo sannad ah dib loo dhigo shirweynihii xisbiga KULMIYE oo muddaysnaa bisha Afraad ee sannadkan 2019-ka, kaas oo qabsoomiddiisa dib loogu riicay bisha Afraad ee sannadka 2020-ka.Xubno miisaan iyo magac ku leh xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan shacabka Somaliland oo isugu jira wasiirro iyo siyaasiyiin oo ay kamid yihiin wasiirka wasaarada arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere, guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xuseen Aadan-cadde xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xasan Siciid Yuusuf, wasiirrada wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, kana mid ah xubnaha rug-caddaaga ah ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud xasan sacad saajin, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo  Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa  xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE kula dardaarmay inay gacmaha isu qabsadaan, xukuumaddana ku taageero sidii ay uga midho dhalin lahayd ballamihii xisbigu xukuumadda u sameeyey, wixii talo iyo tusaale ahna lala garab galo. Madaxweyne-ku-xigeenka  Somaliland, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku dheeraaday duruufihii kala duwanaa ee uu xisbiga KULMIYE soo maray iyo go’aannadii adkaa ee lagaga soo gudbay ee duruufahaasi, Waxana uu sheegay inay hoggaan ahaan u dabran yihiin toosinta iyo tilmaanta xisbiga, wixii talo ah ee loo arko inay waxtar leedahay ay diyaar u yihiin inay ka qaataan xubnaha xisbiga iyo shacbiga kaleba.Ugu dambayntii madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirka soo xidhay, ayaa  xubnaha  golaha dhexe ku bogaadiyey sida karaamada leh ee ay afkaartooda iyo aragtiyahoodaba ugaga qaybqaateen shirka, isaga oo caddeeyey inuu hoggaamiye ahaan mar walba diyaar u yahay inuu fuliyo oo meelmariyo ballamihii xisbiga bulshada u sheegay xilliyadii doorashooyinka.Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inuu si kal iyo laab ah u aqbalay dhammaanba soo jeedimihii iyo talooyinka waxtarka lahaa ee ay soo jeediyeen xubnaha golaha dhexe ee shirka isugu yimi, isla markaana uu hirgelin doono wixii suurega ah.Madaxweynuhu waxa uu si garnaqsi leh uga hadlay soo jeedimaha bulshada kale iyo xubnaha xisbiga kasoo baxa ee salka ku haya ilaalinta xorriyadda hadalka iyo ka hortagga xad-gudubyada ka dhanka ah ashkhaasta gaarka ah iyo qarankaba, isaga oo soo bandhigay culaysyada ay hoggaamiye ahaan ku hayso sidii labadaas la isugu miisaami lahaa, “Canaantii ugu kululayd ee aad noo soo jeediseen waxa ay ahayd xisbi xukuumiga ahaa baynu nahaye halloo dulqaato mucaaridka, halloo dulqaato dadka fikradahooda cabbira, halloo dulqaato saxaafadda, laakiin horto laba dhengadood baa nala dhacdaan haddaad xisbiga iyo dadweynaha tihiin, dadka ilaaliya oo xorriyatul-qawlka ha cabudhinina oo mucaaridka halla hadlin, haddana waxa taalla nabadgelyada ilaaliya oo wixii xun dadka ka qabta, laakiin haddii mucaaridkii ama abwaankii ama saxafigii qaldamo maxaynnu yeelnaa illayn labadii goor ba waad na garaacaysaane,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa carrabka ku ballaadhiyey in qaranku leeyahay garsoor u madax bannaan hawlihiisa, isaga oo si gaar ah u hambalyeeyey go’aanka ay waaxda garsoorku kusii daysay wiil dhallinyaro ah oo muddo xabsiga ugu jirey eedaymo loo haystay, isaga oo bushadana ku adkeeyey inay ilaaliyaan shuruucda dalka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan ku faraxsanahay in maanta garsoorka Somaliland ay sii daayaan wiil dhallinyaro ah oo gabay tiriyey oo xukuumadda iyo Booliska maagay inay yidhaahdeen idinka uun baa baqdaye wiilku wax weyn  muu geysane waa xor, waanu qaadanay oo garsoorku waa xor waana ku kalsoonahay, qofkana ma xidhnee  haddii dadka xeerka ilaaliyaa arkaan inuu qaldamay waa la qabtaa oo waa eedaysane, maxkamaddaana nook ala xag goysa,  laakiin canaanta badan iyo cidna yaan lala hadlintu hadhowna waxa taalla dalku waa fowdo’e maxaad  wax uga qaban weydeen. Waxannu ku dedaalaynaa dulqaadka, waxana aanu qaadanaynaa sida aad na farteen, dadweynahana waxannu ku waaninaynaa ilaalinta shuruucda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here