DAAWO : Afhayeenka Ganacsade Axmed Cismaan Geele Oo Si Kulul Ugu Jawaabtey Hadalkii Madaxtooyada Somaliland
Hargeysa (Dalmar-News):- Afhayeen xalay u hadley shirkada SBI ayaa waxaa uu si kulul uga jawaabey eedeymo Ganacsade Axmed Cismaan Geele uga yimid madaxtooyada Somaliland
Afhayeenka ayaa ugu horeyn cadeeyey in ay jirto lacago uu Ganacsade Axmed Geele ka Amaahdey Bangiga Faransiiska oo Saami uu ku leeyahay Madaxweynaha Jabuuti , balse markii uu lacagta qadanaayey bangigu ka qaatey hanti damiin ah oo ka badan lacagta uu bangigu bixinaayo , taas oo markii danbe dawladu ka qaadey bangiga .
Sidoo kale afhayeenka ayaa beeniyey in lacagtaas deynta ah ee bangigu bixiyey ay aheyd bishii 4 ee sanadkii 2017 , waxaana uu meesha ka saaray in lacagtii lagu dhisay shirkada SBI ay aheyd lacagta uu bangigaasi bixiyey , waxaana shirkada SBI la dhisay sanadkii 2010waxaana la daah furay sanadkii 2012
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan