Daadad Iyo Dufaano Ku Dhuftay Iran Oo Ay Dad Ku Dhinteen.
Iran (Dalmar-News):- Inta ilaa hadda la og yahay saddex qof ayaa ku dhintay daadad iyo danab ku dhuftay gobolka Waqooyi ee Masandaran ee dalka Iranย , sida uu cadeeyey madaxa Hayโadda gurmadka deg dega ah ee dalkaasi Mortesa Selimi.
Mortesa oo u waramaayey wakaaladda wararka ee Faris ayaa shegay in ilaa 870 qof , kuwaas oo laga raray guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo la dejiyey meelo masaajido ah iyo dugsiyo degaankaasi ku yaala.
Waxaanu masuulkani intaasi ku daray in ay ilaa shalay gobolkaasi ka daโayeen roobab xoogan , kuwaas oo sababay in ay daadad kusoo rogmadaan ilaa 29 magaalo oo ku yaala afar gobo loo dalkaas kamid ah, gaar ahaana goboladda Waqooyiga iyo Waqooyi Barri ee Iran.