Cudurka Daacuunka oo Suudaan ku dilay Dad badan

0
51

Cudurka Daacuunka oo Suudaan ku dilay Dad badan

Waxaa sii kordhaya marba marka dambeysa tirada Dadka u dhintay Cudurka Daacuunka oo dhowaan ka dillaacay Dalka colaaddu la degtay ee Jamhuuriyadda Suudaan sida ay wadajir u sheegeen mas’uuliyiinta Dowladda, Dhaqaatiirta iyo Hay’adaha Caafimaadka qaabilsan.

In ka badan 30 qof oo Carruur u badan ayaa u geeriyootay cudurka Daacuunka, qaar kale oo la ildaran hannuunkaan ayaa la dhigay Goobaha Caafimaadka oo qudhooda heysan awood buuxda oo la xiriirta dhanka Dawooyinka ay u baahan yihiin in ay adeegsadaan.

Kooxo is xilqaamay ayaa billaabay in deegaannada lagu karaantiilay Dadka la xaqiijiyay in uu ku dhacay Cudurkaan ka billaabay in ay buufiyaan si uusan Bulshada kale ugu gudbin loogana hortago halista ka dhallan karta haddii uu sii faafo.

Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Suudaan ayaa dhowaan xaqiijisay in ugu yaraan 22 qof ay u dhinteen cudurkaan oo kamid ah kuwa halista ah balse khatartiisa looga hortagi karo in la sameeyo kahortag iyo daryeelka buuxa oo loo fidiyo dadka uu ku dhacay.

Dhaqaatiirtu waxa ay sheegeen in cudurkaan waxyaabaha uu ku dhasho ay kamid yihiin biyo aan nadiif ahayn, Cunno aan la dhigin meelo ku habboon, Qashinka oo aan laga taxadarin iyo xaalado kale oo dhammaantood ka dhashay Colaadda ka jirta Dalkaas.

16 Bil waxaa Dalka Suudaan ku dagaalamaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa kooxda la magac baxday Gurmadka Degdega, dagaalkooda waxaa ka dhashay Dhimasho, dhaawac, burbur, Barakac, Boob loo geystay xarumaha qaar iyo macluul ka dhalatay cunto la’aanta jirta.