Codbixinta Doorashada Nigeria oo dib loo dhigay+SABABTA

0
650

Codbixinta Doorashada Nigeria oo dib loo dhigay+SABABTA

Nigeria ayaa si lama filaana xalay dib ugu dhigtay doorashadii madaxtooyada iyo baarlamanka muddo todobaad ah.

Gudida madaxa bannaan ee doorashooyinka dalkaa ayaa shan saacadood uun ka hor xiligii loo dareeri lahaa codbixinta go’aankaa shaaciyey.

“In doorashadu ku dhacdo xilligi loo cayimay haatan ma suurto gelayso” ayuu yidhi Maxmuud Yakubu, gudoomiyaha gudidu isagoo farta ku fiiqay arimo dhanka tas-hiilaadka ah awgood.

Wuxuu sheegay in go’aankaa laga maarsan waayey loo qaatay si loo xaqiijiyo in codbixin xor iyo xalaal ahi u dhacdo.

Mahmood Yakubu, Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashadaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMahmood Yakubu, Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada

Doorashada madaxtooyada iyo ta baarlamanka ayaa dib loogu dhigay in ay dhacaan 23 Feebarweri.

Doorashada badhasaabyada, baarlamaannada heer gobol iyo kuwa dowladaha hoose ayaa iyagana dib loo dhigay ilaa 9 Maarij.

Go’aankan waxa lagu shaaciyey shir degdega oo ka dhacay xarunta gudida doorashooyinka oo ku taal magaalo madaxda dalka ee Abuja.

Sidee looga falceliyay?

Labada xisbi ee ugu waaweyn xisbiyada siyaasadda Nigeria oo kala ah ka talada haya ee All Progressive Congress iyo ka mucaaradka ah ee People’s Democratic Party, ayaa labaduba isla markiiba cambaareeyey go’aankaas waxaanu mid ba ka kale ku eedeeyey inuu damacsanyahay inuu gacan ku yeesho doorashada.

Cod bixiyeyaasha ayaa iyaguna cadho, niyad jab is barkan kaga falceliyey, halka qaarna ay go’aansadeen ba in aanay kaba qayb galin.

Jawaabaha ay dadka ka bixinayeen guddiga INEC fariinta dib u dhigista doorashada ee ay soo dhigeen barta Twitterka ayaa ahaa kuwo aad u kulul oo qofbaa ugu yeeray inay tahay “Shaqo xumo tii ugu darneyd”.

Nin kale ayaa guddiga doorashooyinka ee INEC ku tilmaaya “ceeb weyn”.

Dad badan ayaa safarro dheer u galay si ay codkooda u dhiibtaan. Magaalada woqooyiga ku taal ee Daura, ayaa codbixiye la yidhaa Musa Abubakar gaadhay si uu codkiisa uga dhiibto taas oo 550 km u jirta magaalada Abuja, waxaanu BBC-da u sheegay in uu rumaysan kari waayey waxa dhacay.

Xaajiya Sacaadatu ayaa iyadna sheegtay in ay “aad u niyad jabtay” markii ay maqashay dib u dhaca codbixinta ay doonaysay in ay codkeeda ka dhiibato magaalada woqooyiga ku taal ee Kano.

Dadka Nigeria sida Hajiya Sa'adatu ayaa markii ay kacday un waxa ay ogaatay warka ah in dib loo dhigay doorashada
Image captionDadka Nigeria sida Hajiya Sa’adatu ayaa markii ay kacday un waxa ay ogaatay warka ah in dib loo dhigay doorashada

Hasayeeshee waxaa jira kuwa kale oo sheegaya in dib u dhigista doorashooyinka ay ka dhigan tahay in waxkastaa todobaadka soo socda ay si wanaagsan ku socon doonaan.

Michael Momodu, waxa uu ku sugan yahay gobolka koonfur bari Nigeria ee Delta, waxa uu sheegayaa in weli uu rumaysan yahay in “wax walba ay sidii la rabay noqon doonaan” iyo in “Allaah uu arrintaas ku garab geli doono”.

Maxaa dib loogu dhigay doorashooyinka?

Gudoomiyaha doorashooyinka Maxamuud Yakubu ayaa sheegay in go’aanka la qaatay kaddib “dib u eegis qotodheer” oo ku saabsan doorashada iyo “qorshaha howlfulinta”, waxa uuna intaasi ku daray inay taasi sal u tahay “sida ay kaga go’an tahay inay qabtaan doorashooyin xor ah, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo”.

Waxa uu sheegay in dib u dhigista doorashada ay lagama maarmaan aheyd si guddiga uu u helo waqti uu wax kaga qabto arrimo muhiim ah iyo “inuu sii joogteeyo tayada doorashooyinkeenna”, hasayeeshee faafaahinta intaasi dheer ma uusan bixin.

Presentational white space

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa dab la qabadsiiyay dhowr xafiis oo uu leeyahay guddiga doorashooyinka ee INEC, halkaas oo ay ku burbureen kumannaan kaararka casriga ah ee kumbuyuutarka ku shaqeeya ee doorashooyinka iyo kaararka codbixintaba.

Sidee kale waxaa jira warar sheegaya in qaar ka mid ah gobollada 36-ka ah ee dalkaasi ay ka jiraan gabaabsi dhinaca qalabka doorashooyinka ah.


A police officer oversees staff loading boxes onto a truck during the distribution of election materials at the INEC office in Yola, in Adamawa State, Nigeria, 15 February 2019Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Dowladda Nigeria ayaa waxaa lagu qasbay inay xoojiso ammaanka ka hor doorashooyinka ay hareeyeen qulqulatooyinka.

Jimcihii, saraakiisha waqooyi galbeed ee Nigeria ayaa waxa ay ku warrameen inay heleen maydadka 66 qof, kuwaas oo 22 ka mid ah ay carruur yihiin 12 ay haween ahaayeen, dadkaas oo ay dileen “kooxo dambiilayaal ah”.

Doorashadan muhiimad caynkee ah ayey leedahay?

Waxaa halis ku jira mustaqbalka dalka ugu dadka badan Afrika dhaqaale ahaanna ugu ballaaran.

Qofkasta ee guulaystana waa inuu wax ka qabtaa koronto la’aanta, musuq maasuqa, dhibaatooyinka dhanka ammaanka iyo dhaqaalahan sii dhacaya.

Doorashada madaxtinimada waxaa isu diiwaangeliyay 73 musharax, hasayeeshee ololaheeda waxaa ku gacansarreeyay Madaxweyne Muxamaduu Buhari oo 76-jir ah, iyo ninka ay aadka isku hayaan, Madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Atiku Abubakar, oo 72-jir ah.

Mr Buhari ayaa sheegaya inuu dhidibo adag u taagay sidii barwaaqo lagu gaari lahaa, hasayeeshee ninka ay is-hayaan ayaa sheegaya in Nigeria aanay howlba ka socon.

Labada ninba waxa ay ka soo jeedaan waqooyiga dalka halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta. Halka labadooduba ay ku jiraan da’da 70-tameeyada, ayaa in ka badan kala bar 84 milyan ee isu diiwaangelisay doorashada Nigeria ay da’doodu ka hoosayso 35 sanadood.

Nigeria horay ma uga dhacday tan oo kale?

Haa. Nigeria kuma cusba in dib loo dhigo doorashooyinka, doorashooyinkii 2011 iyo 2015 ayaa maalmo dib loo dhigay.

2015, waxa la amray in la xiro dhammaan xuduudaha dhulka iyo badda ka hor doorashadii sida wayneyd loogu tartamay, xilli ay soo baxayeen warar sheegayay in dad ajaanib ah ay qorshaynayeen inay Nigeria u soo tallaabaan si ay u codeeyaan.

Isla sanadkaas, mid ka mid ah musharaxiintii ayaa geeriyooday xilli la tirinayay codadkii la dhiibtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here