Ciidankii lagu laayay Go’da yar oo aas Qaran loo sameeyay iyo Muusa Biixi oo hadlay

0
205

Ciidankii lagu laayay Go’da yar oo aas Qaran loo sameeyay iyo Muusa Biixi oo hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas Qaran oo maanta xabaalaha Baqiic loogu sameeyey 9-kii kii askari ee katirsanaa ciidanka booliska ee dhawwaan lagu laayey tuulada Go’da yar oo katirsan gobolka Saaxil.

Muuse Biixi Cabdi ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay dilka askartaa maanta wadar ahaanta loo aasay, isaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen askarta la laayay.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Qaranka, waxa aan dilkaa loo geystay ciidamada Qaranka ka tacsiyadaynayaa, guud ahaan Qaranka, qoysaskoodii iyo ehelkoodii, waana la qaybsanaynaa xanuunka iyo geerida ku timi, Qarankuna wuu la qaybsanayaa.”ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay inay waajib tahay soo qabashada cid kasta oo ka dambaysay dilka askartaas, xukuumadduna ay gadh-wadeen ka noqon doonto sidii sharciga loo marin lahaa kuwii dilka geestay.

”Cidii shirqoolkaas iyo dilkaas geysatay mid abaabulay, mid caawiyey iyo mid gacan geystay in sharciga la hor keenaa waa waajib oo sida Diinta Islaamku oggoshahay sharciga la mariyaa waa waajib Qaranka saaran, xukuumadduna ay gadh-wadeen ka noqonayso, hay’adaha sharcigana waxa la farayaa inay hawshaas soo dhammaystiraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi ayaa bulshada ugu baaqay midnimo iyo in qarannimada la wada difaaco, talada la wadaago, loona hoggaansamo shuruucda dalka u yaalla, si doorashooyinka loo galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here