Ciidamada ammaanka DG Puntland oo xiray Dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Daacish
Ciidamada ammaanka ee sida gaarka u tababaran ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso waxa ay ku xireen Dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Daacish oo qaarkood su’aalo la weydiinayo.
Dadka ay xireen ciidamada Puntland ayaa isugu jira Macallimiin Wax ka dhiga dugsiyo ku yaalla Boosaaso iyo Garoowe, Duubab dhaqameed, Ganacsato iyo shakhsiyaad kale oo dhammaantood baaritaan lagu hayo.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan sheegay in muddo todobo cisho ah ay u qabteen Dad uusan xusin magacyadooda iyo xogtooda balse gabbaadsiiyay xubnaha Daacish.
Puntland ayaa dagaalka ay kawado buuraleyda Calmiskaad waxaa dhinac socda howlgallo kale oo ay kusoo qabteen Dad ku sugan goobaha ka baxsan meelaha howlgallada ka socdaan kuwaas oo lagu tuhmayo katirsanaanta Daacish.