Chad oo tillaabo qaaday ka dib xayiraadii Trump
Muwadiniinta Mareykanka ee doonaya in ay tagaan dalka Chad ayaa loo ogolaan doonin Fiisaha wadankaasi, tillaabadaasi waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha Chad Idris Deby.
“Waxaan faray dowladda inay joojiso bixinta fiisaha muwaadiniinta Mareykanka, waxaan leenahay sharaf, waana in aan dhowrana” ayuu yiri Madaxweyne Deby.
Isaga oo sii hadlaya wuxuu sheegay in dalkiisa awoodin in sida Qadar Donald Trump la siiyo Diyaarad qiimaheeda gaarayo 400 Milyan oo Dollar, balse ay tillaabooyin kale qaadi doonaan.
Chad ayaa kamid ah 12 oo Maamulka Trump ka mamnuucay in ay tagaan gudaha Mareykanka.