Caro ka dhalatay wargeys baahiyey warbixin ka dhan ah Madaxweyne Erdoğan

0
208

Caro ka dhalatay wargeys baahiyey warbixin ka dhan ah Madaxweyne Erdoğan

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo taageerayaashiisa ayaa si caro leh uga falceliyay warbixin uu daabacay wargeyska The Economist ee ka soo baxa London.

Wargeyska ayaa boggiisa hore ku daabacay ereyada “Doorashada ugu muhiimsan 2023”, “Badbaadiya Dimuqraadiyada” iyo “Waa in Erdoğan meesha laga saaro”.

Maqaalka wargeyska uu uga hadlay doorashada Turkiga ka dhici doonta 14-ka May ayuu ku sheegay in “guuldarro soo wajahda Erdoğan ay dimuqraadiyiinta caalamka tusi doonto in laga adkaan karo hogaamiyayaasha awoodda badan”.

The Economist oo kamid ah wargeysyada ugu waaweyn dalalka Galbeedka ayaa horay u qoray warbixinno ka dhan ah hogaamiyaha Turkiga iyo siyaasadihiisa.

Madaxweyne Erdoğan oo ka falceliyay warbixintaas ayaa sheegay in uusan “oggolaan doonin in siyaasadaha gudaha ee Turkiga la farageliyo”.

Hogaamiyahan Tiurkiga xukumayay labaatankii sano ee la soo dhaafay ayaa doonaya in xilka mar kale loo doorto shan sano oo cusub.

“Dowlad cusub oo ka dhalata Turkiga waxa ay soo celin doontaa xiriirka xumaaday ee uu dalkaas la leeyahay Galbeedka,” ayaa lagu sheegay maqaalka The Economist.

Agaasimaha warfaafinta dowladda Turkiga, Fahrettin Altun, ayaa maqaalka The Economist ku tilmaamay mid muujinaya naceybka ay warbaahinta Galbeedka u qabto dalkiisa iyo Madaxweyne Erdoğan.

“Waa wax laga xumaado naceybka ay warbaahinta Galbeedka ku beegsanayaan Turkiga iyo Madaxweyne Erdoğan ka hor doorashada 14-ka May. Waxaan si fajac leh u daawanaa warbixinnadooda ku aaddan go’aanka masiiriga ah ee sugaya dalkeena,” ayuu Altun ku qoray bartiisa Twitter.

Doorashada dhacaysa bartamaha May ayaa waxaa xilka madaxtinnimada Turkiga u tartamaya Madaxweyne Erdoğan iyo saddex musharax oo mucaarad ah.

Waxaa la saadaalinayaa in loolanka ugu adag uu dhexmari doono Erdoğan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah musharaxa lixda xisbi ee ugu awoodda badan mucaaradka Turkiga.

Sidoo kale, afar iyo labaatan xisbi iyo 151 musharraxiin madax bannaan ah ayaa u tartamaya ka mid noqoshada baarlamaanka Turkiga oo ka kooban 600 oo kursi.

Ma og tahay in Soomaaliya ka hor martay 42 dal oo Afrikaan ah? [HOGGAANKA WANAGSAN IYO GUUSHU WAA ISLA SOCDAAN]

XIGASHO:BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here