Caqabado ku yimid kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ee Addis Ababa

0
727

Caqabado ku yimid kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ee Addis Ababa

Warar lagu kalsoonaan karo oo aanu ka heleyno Jabuuti ayaa sheegaya inuu dib u dhac uu ku yimid kulan lagu waday in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku dhex mari lahaa magaalada Addis Ababa.

Kulankan oo qaban qaabadiisa ay waday dowladda Itoobiya ayaa qorshihiisa ahaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi la kulansiiyo inta ay ku guda jiraan safarkooda Addis Ababa.

Caqabadaha ka hor yimid qabsoomida kulankaas ayaa ah cida yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay gaaray Jabuuti ayaa la filayay inuu maanta tago Addis Ababa, hase ahaatee waa uu baajiyay, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu dhamaadka bishan February uu tago Addis Ababa, marka uu ka soo laabto magaalada Sharmal Sheekh oo uu uga qeyb galayo shirka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub

Dowladda Itoobiya ay waday dadaal ay ku dooneyso inuu shirkaas dhaco, isla markaana kulansiiso Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Dhinaca Muuse Biixi ayaa goor dhow ka dhoofay magaalada Hargeysa, isagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa, kaddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here