Burcad Koonfur Afrikan oo dilay muwaadin Somaliyed mid kalena dhaawac u gaystay

0
598

Burcad Koonfur Afrikan oo dilay muwaadin Somaliyed mid kalena dhaawac u gaystay

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa dalkaasi waxa ay dil & dhaawac ugu gaysteen Muwaadiniin Somaliyed oo ku ganacsanaayay meel ku dhaw Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Burcadda ayaa gudaha goobta ganacsiga ugu galay muwaadiniintan Somaliyed, kadibna waxa ay ku bilaabeen rasaas, si ay dhac ugu gaystaan goobta ganacsiga.

Muwaadinka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdi Casiis Roorow halka midka la dhaawacay lagu magacaabo Aweys Macalin, kaasi oo ay haleeshay rasaas xoogan oo lagu furay labadooda.

Dhaawaca soo gaaray Aweys Macalin ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid fudud, isla markaana hadda lagu dabiibayo xaaladiisa Caafimaad Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Muwaadinka geeriyooday oo dhalinyaro ahaa ayaa wuxuu ahaa xaasle carruur dhalay, balse ugu dambeyn shalay ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Dilalka loo gaysanaayo ganacsatada Somalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa aad u sii kordhaya, iyadoo Booliska dalkaasi ay wax ka qaban la’yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here