Home WARAR Budhcad Badeed Somali Ah Oo Weerar Ku Qaaday Doon Laga Leeyahay Dalka...

Budhcad Badeed Somali Ah Oo Weerar Ku Qaaday Doon Laga Leeyahay Dalka Taiwan Iyo Budhcad Badeeda Somaliya Oo Soo Labo Kacleeysay

0
1031

Budhcad Badeed Somali Ah Oo Weerar Ku Qaaday Doon Laga Leeyahay Dalka Taiwan Iyo Budhcad Badeeda Somaliya Oo Soo Labo Kacleeysay

Garoowe (Dalmar-News):- Doon nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay Taiwan ayaa sheegtay in ilaaladeeda ay toogteen Koox burcad-badeed ah meel ku dhow biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya Subaxdii Arbacadii.

Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Kalluumeysiga ee Taiwan Lin Qo-ping ayaa xaqiijiyay in Kooxdaasi la dilay ka dib markii ay doonta Weerar kusoo qaadeen xilli ay mareysay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Doonta waxaa u suurta gashay in ay ka cararto goobta, iyada oo dhammaan shaqaalahihii Saarnaa ay Ammaan qabaan.

Doontaan oo lagu magacaabo Taiwan Tuna Longline Association ayaa sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay xoogeystay bilihii lasoo dhaafay,islamarkaana ay dhowr jeer galeen halis ah in ay gacanta u galaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Waxaa looga digay doonyaha kalluumeysiga ah ee ka shaqeynaya badweynta Hindiya in ay ka digtoonaadaan burcad-badeedda iyo in ay ka fogaadaan biyaha u dhow Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here