Britain Oo Diyaarado Dagaal U Dirtay Dalalka Finland Iyo Sweden

0
342

Britain Oo Diyaarado Dagaal U Dirtay Dalalka Finland Iyo Sweden

Britain ayaa diyaarado dagaal u dirtay dalalka Finland iyo Sweden, halkaasoo dhoolatus ciidan oo wadajir ah uu ka socdo.

Arrintan ayaa timid dhowr toddobaad kadib markii dalalka Finland iyo Sweden ay codsadeen in ay ku biiraan NATO ka dib duullaankii Ruushka ee Ukraine oo billowday bishii Febraayo ee la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska, tallaabadan ayaa qayb ka mid ah “joogitaanka sii kordhaya ee gobolka”, halkaas oo ay hoosta ka xariiqday sida ay UK uga go’an tahay xoojinta awooddeeda difaaca wadajirka ah iyo go’aannada amniga wadajirka ah.

Xoghayaha Difaaca Britain Ben Wallace ayaa ku tilmaamay labada dal inay yihiin saaxiibo muhiim ah oo dhanka difaaca ah, isagoo muujiyay sida uu u soo dhaweynayo codsigooda ku biirista NATO, halka dhiggiisa Sweden, Peter Holtqvist, uu sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay “dhibaato ka jirta deegaanka” oo ay tahay in laga jawaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here