Home WARAR Booliska Kenya oo bandow ku soo rogay magaalada Nairobi

Booliska Kenya oo bandow ku soo rogay magaalada Nairobi

0
48

Booliska Kenya oo bandow ku soo rogay magaalada Nairobi

Ciidanka ammaanka ee dalka Kenya ayaa maanta bandow ku soo rogay guud ahaan magaalada Nairobi, sabab la xiriirta bannaanbaxyada ay dhigayaan dhalinyarrada carreysan ee loo yaqaan Gen Z.

Dibadbaxyadan ayaa lagu xusayaa sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay kacdoonkii looga soo horjeeday canshuuraha ee dhacay sannadkii 2024, kaas oo dhiig badan ku daatay, kuna khasbay madaxweyne William Ruto inuu ka laabto xeerkii maaliyadda ee muranka dhaliyay.

Ciidamada booliska oo wata farda iyo baabuurta gaashaaman ayaa lagu arkayay waddooyinka waaweyn ee Nairobi sida Thika Super Highway, Mombasa Road, Waiyaki Way iyo Jogoo Road, iyagoo ka celinaya gaadiidka iyo dadka lugaynaya inay galaan bartamaha magaalada.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in ay caddaalad helaan in ka badan 80 qof oo lagu dilay dibadbaxyadii sannadkii 2024 iyo kuwii sannadkii hore

Madaxweyne William Ruto ayaa dhankiisa sheegay in dadku xaq u leeyihiin dibadbax, balse uusan u dulqaadan doonin qas iyo burbur hantiyeed.

Toddobaadkii hore, Ruto wuxuu ku dhowaaqay sanduuq dhan $15 milyan oo loogu talagalay in lagu magdheeyo dhibanayaashii xuquuqda aadanaha looga xad-gudbay intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2025, inkasta oo ururada xuquuqda aadanaha ay naqdiyeen qorshahan.