Barnaamijka Telegram oo maanta hawada laga saaray xilli ay shaqeenayaan TikTok & 1XBET

0
214

Barnaamijka Telegram oo maanta hawada laga saaray xilli ay shaqeenayaan TikTok & 1XBET

Waxaa hawada laga saaray Barnaamijka Telegram, kaas oo maanta ka shaqeeneynin guud ahaan dalka, kaddib markii Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay hawada ka saarayso.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya August 20, 2023-ka ay soo saartay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ayaa lagu amar shirkadaha Internetka bixiya in ay hawada ka saaraan barnaamijyada TikTok, Telegram iyo 1XBET.

Dowladda ayaa ku sheegtay amarkaan ka soo baxay in ay u cuksatay in Barnaamijyadaan ay yihiin kuwa ka hor imaanaya Diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Islaamka, sidoo kale waxa ay sheegtay in ay noqdeen baro ay adeegsadaan Al-Shabaab kuwaas oo fariimahooda ay ku faafiyaan.

Amarka ka soo baxay Dowladda ayaa loo madalsanaa inuu dhaqan galo maalinta khamiista ee na dhaaftay, iyada oo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in la xiri doona August 24, 2023-ka, balse weli ma noqon amarkaas mid hirgalay.

Macadda in shirkadaha bixiya adeega internet-ka ay hawada ka saarayaan barnaamijyada TikTok iyo 1XBET oo horay dowladda u sheegtay in la xirayo, walow qaar ka mid ah Bulshada iyo Siyaasiyiinta ayaa siyaabo kala duwan uga wada hadlay xiritaanka Barnaamijyadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here