Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay 20 Milyan oo doolar.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa saxiixay $20 Milyan oo bangiga Adduunka ku darayo mashruuca SURP II ee Wasaaradda Hawlaha Guud.
Lacagtan uu sixiiyay Wasiirka Howlaha guud ee Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu qoondeeyey in wax lagaga qabato saameynta dhanka abaaraha ee dalka kajira ayna fulin doonto hayadda Socdaalka Adduunka ee IOM.
“Mashruuca SURP II oo uu maal galiyey Bangiga Adduunka ayaa lagu dhisaa Waddooyinka dhexmara magaalooyinka Dalka e burbursan, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan Shacabka.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
Dhanka kale Madaxda Bangiga Adduunka iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa isku raacay in lacagta 20 Milyan ah wax lagaga qabto saameynta abaarta dalka kajirta
Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar aad u daran taas oo saameysay dadka iyo duunyada, Madaxda ugu sarreysa Dalka ayaa wada dadaallo ay loogu gurmanayay dadka ku barakacay Abaarta kuwaas oo ku nool deegaannada kala duwan ee Dalka.