Baarlamaanka Puntland Oo Maanta La Horgeynayo Guddiga Doorashooyinka
Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta kulan ku yeelanaya Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland, waana kulankii ugu horeeyay ee yeelanayan kadib Doorashadii ka dhacday Xarunta Baarlamaanka.
Ajendaha kulanka Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa uu yahay Ansixinta Guddiga Doorashooyinka KMG ah puntland, isla markaana uu Magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomin doona Guddoomiyaha Cusub Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaasi oo Khamiistii lasoo dhaafay ay doorteen Xildhibaanada maamulkaas, kadib markii Mooshin xilka ay uga qaadeen Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-daareed.
Guddiga Doorashooyinka KMG ah Puntland ayaa Xildhibaanada ka hor Akhrin doona waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la soo magacaabay, waxaana hor yaalla shaqooyinka Culus oo laga doonayo markii la Ansixiyo inay qabtaan.