Baarlamaanka Iiraan Oo Ansixiyay Sharciga Niyuukleerka Dalkaasi

0
326

Baarlamaanka Iiraan Oo Ansixiyay Sharciga Niyuukleerka Dalkaasi

Dowladda Iiraan ayaa qaaday tallaabo ay uga hor istaageyso baarayaasha Qaramada Midoobey in ay baaritaanno ka sameeyaan goobaheeda ama xarumaheeda Niyuukleerka isla markaana lagu xoojinayo kobcita maadada Yuuraaniyamta, sida uu dhigayo sharci cusub oo uu meel mariyaya baarlamaanka dalkaasi.

Sharcigaasi ayaa dowladda ku khasbaya in ay dib u billowdo kobcinta maadada Yuuraaniyamta oo ay gaarsiiso 20%, heerkaa oo 3.67% ka sarreeyo heerkii lagu heshiiyay sanadkii 2015 – waa haddii muddo laba bilood gudahood ah lagu qaadi waayo xayiraadaha saaran dalkaasi.

Madaxweynaha dalkaasi, Xasan Rowxaani, ayaa sheegay in uusan raalli ka ahayn meelmarinta sharcigaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso maalmo uun kaddib dilkii loo geystay mid ka mid ah saynisyahannada dhanka Niyuukleerka ugu sarreeyo dalkaasi Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here