Axmed Madoobe iyo Deni oo heshiis gaarey

0
20

Axmed Madoobe iyo Deni oo heshiis gaarey

Iyada oo maalmihii la soo dhaafay kulamo magaalada Garoowe uga socdeen Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira qoddobada ay isla meel dhigeen.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa ka wada hadlayay arrimo ay kamid yihiin xiriirkooda iyo sidii ay u mideyn lahaayeen Mowqifkooda Xaaladda Siyaasadeed ee dalka.

Labada mas’uul ayaa ku kala arragti fogaa arrimo badan oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, tan iyo sannadkii 2022 markaasi oo la doortay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow kulamada ka socda Garoowe ayaa sheegay in Deni iyo Axmed Madoobe isku soo dhawaansho ka gaareen qoddobada ay isku hayeen.