Ardayda Gobolka Sool oo Imtixaanka Somaliland looga reebay colaadda ka jirta Laascaanood awgeed.

0
390

Ardayda Gobolka Sool oo Imtixaanka Somaliland looga reebay colaadda ka jirta Laascaanood awgeed.

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa shaacisay in berri oo sabti ah 17ka June 2023 uu si toos ah u billaaban doonno Imtixaan sanadeedka fasallada 12aad (Dugsiga Sare) iyo 8aad (Dugsiga Dhexe) oo ay u fadhiisanayaan Arday kor u dhaafeysa 40,000.

Wasaaradda ayaa Liiska Imtixaan galayaasha waxa ay sanadkaan ka reebtay Ardayda ku sugan Gobolka Sool kaddib markii aanay wax duruus ah qaaday tan iyo bishii Febaraayo 2023 oo waxaa saameeyay Colaadda ka jirta Laascaanood.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in Ardaydu lagu qiimeyn doonno Imtixaankii ugu dambeeyay ay galeen inkasta oo ay kala duwan yihiin marka la eego labadaas Imtixaan sida ay ku doodeen qaar kamid ah Bahda Waxbarashada.

Waxa ay Ardaydu rejo ka lahaayeen in ay galaan Imtixaanka ay ugu gudbayaan heerka Jaamacadda iyo kuwa Dugsiga Dhexe oo usoo gudbi lahaa Dugsiga Sare balse waxa ay noqdeen Arday sugeysa in loo qiimeeyo natiijadooda.

Goobaha Waxbarashada Magaalada Laascaanood gaar ahaan Dugsiyada, Jaamacadaha iyo meelaha kale ee gaarka loo leeyahay ayaa xirmay kaddib markii dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Xoogagga la magac-baxay SSC ay dagaalameen 6dii Febaraayo 2023.

In badan oo kamid ah Ardayda ayaa la barakacay qoysaskooda si ay naftooda uga badbaadiyaan waxyeellada kasoo gaari karta dagaalka aan dhammaadka lahayn ee Magaalada Laascaanood gacan ku heynteeda ku loolamayaan Somaliland & SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn).

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in dagaalka Laascaanood wadahadal loo baddelo si dhinacyada hubka isku heysta ay usoo afjaraan colaadda ka dhaxeysa oo daba-dheeraatay isla markaana saameynta taban ku reebtay boqolaal kun oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here