Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ku waayay Sababo la xidhiidha Baasaboor Soomaali

0
8

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ku waayay Sababo la xidhiidha Baasaboor Soomaali

Arday Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mustaf Maxamed Takoy, oo 30 jir ah, ayaa waayay deeq waxbarasho oo uu ka helay dalka dalka Denmark sababo la xiriira baasaboorka Soomaaliya.

 

Mustaf ayaa sanadkii hore ku guuleystay inuu jaamacadda Copenhagen ee dalka Denmark ka bilaabo Barnaamijkiisa Master-ka ee ku saabsan Deegaanka iyo Horumarka Caalamiga, isagoo qoshaynayay inuu bilaabo bisha Sebteembar.

 

Wuxuu gudbiyay codsigiisa fiisaha sida waafaqsan nidaamka, isagoo rajeynayay inuu bilaabo waxbarashadiisa, balse laba bilood kadib waxaa loo diiday fiisaha. Hay’adda socdaalka Denmark (SIRI) ayaa u sheegtay in dowladda Denmark aysan u aqoonsanayn baasaboorka Soomaaliya inuu yahay dukumeenti safar oo sax ah, inkastoo uu Mustaf haystay deeq waxbarasho oo buuxda, caymis caafimaad iyo oggolaansho rasmi ah jaamacaddiisa.

 

“Bal qiyaas qof haysta deeq buuxda oo Erasmus Mundus ah oo ka socota Jaamacadda Copenhagen, haddana lagu diiday baasaboorkiisa. Ma dooran inaan ku dhasho Soomaaliya, qofna ma doorto halka uu ku dhasho,” ayuu yiri Mustaf.

 

36 qof oo asxaabtiisa kamid ah ayaa u diray warqad racfaan ah guddiga socdaalka Denmark, iyagoo ku dalbanaya in go’aanka dib loo eego. Mustaf qudhiisu wuxuu racfaan u gudbiyay guddiga racfaanka socdaalka Denmark, isagoo bixiyay $140, laakiin ilaa hadda jawaab kama helin.

 

Mustaf weli rajo ayuu qabaa, inkastoo uu sheegay inuu daalay. Sannadka dambe ayuu sheegay inuu mar kale deeqdan codsan doonaa, isagoo rajeynaya inuu helo mar kale.