Alshabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogatay Oday Da Ah Iyo Sobobta Loo Toogtay

0
528

Alshabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogatay Oday Da Ah Iyo Sobobta Loo Toogtay

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaan hoostaga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen Nin Oday ah oo ay gacanta ku hayeen.

Ninkaas oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu ahaa Nin ku Shaqeysan jiray Sixirka,waxaana fagaaraha lagu toogtay oo ku sugnaa Boqolaal kamid ah dadka deegaanka.

Abuukar Xaaji Cumar oo da’ahaan lagu sheegay 50 jir ayaa Caanka ahaa deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana Al-Shabaab ay sheegeen in muddo 5 Sano ah uu sixirka ku Shaqeysanayay.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay goob fagaarayaal ah ku oogteen dad farabadan oo qaarkood ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo dowladaha taageera Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here