Alshabaab oo burburiyay xarun isgaarsiineed oo ku taal duleedka Mandhera

0
369

Alshabaab oo burburiyay xarun isgaarsiineed oo ku taal duleedka Mandhera

Ururka Alshabaab ayaa burburiyay xarun isgaarsiineed oo ay shirkadda Safaricom ku lahayd deegaanka Mandhera oo ku yaal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Mandhera Nyamboka Mounda ayaa sheegay in weerarkan aysan waxyeelo ka soo gaarin shaqaalihii iyo ilaaladii xaruntaas.

“Xarun isgaarsiineed ayaa gebi ahaanba la burburiyay kadib markii dabley hubeysan ay soo weerareen,nasiib wanaag ma jiro cid wax ku noqotay.”ayuu yiri sarkaalka u hadlay maamulka Mandhera.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in ilaaladii saldhiggan ay isaga carareen kadib markii ay ogaadeen in weerar uu ku soo socda xarunta.

Ururka Alshabaab ayaa hore weeraro ay ku burburiyeen xarumo isgaarsiineed waxa ay uga fuliyeen deegaano ka tirsan gudaha dalka Kenya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here