Al-Shabaab oo weerar madaafiic ku qaaday saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin Gedo

0
634

Al-Shabaab oo weerar madaafiic ku qaaday saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Fafax-dhuun.

Sida lagu qoray baraha Internet-ka ee Al-Shabaab wararka ku faafiso madaafiic ayaa lagu garaacay saldhigga Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka madaafiicda kaddib uu xigay dagaal xooggan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in la iska difaacay weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Fafax-dhuun, isla markaana tiro dagaalamayaal ka dileen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid socday saacado, isla markaana labada dhinac isku adeegsadeen madaafiic.

Deegaanka Fafax Dhuun ayaa hoostagta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya oo saldhig milateri ku leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here