Afar Tiir Oo Uu Ku Dhisan Yahay Wada-Xaajoodka Ku Saabsan In Soomaaliya Ay Ku Biirto Ururka Bariga Afrika Ee EAC

0
206

Afar Tiir Oo Uu Ku Dhisan Yahay Wada-Xaajoodka Ku Saabsan In Soomaaliya Ay Ku Biirto Ururka Bariga Afrika Ee EAC

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo hadda hoggaaminaya ololaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku biirto ururka ay ku bahoobeen dalalka Bariga Afrika ee EAC, Dr Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa BBC-da uga warramay halka uu marayo dadaalka muddada dheer soo jiitamayay.

Muddo shan bil ah ayaa kasoo wareegtay markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Dr Hadliye xilka ergeyga qaabilsan howlaha la xiriira sidii ay Soomaaliya xubin uga noqon lahayd Dalladda Waddamada Bariga Afrika.

Su’aasha ay dad badan isweydiinayaan ayaa ah waxa ilaa hadda ka qabsoomay dadaalkaas.

“Waxa ugu horreeya ee muhiimka ah in la garto waa in la sameeyay codsi, codsigana madaxweynaha ayaa sameeyay markii uu Caruusha tagay, shaqadu halkaas ayey markii ugu horreysay ka billaabatay. Aad baa naloo soo dhaweeyay, inanga ayey nagu xiran tahay sida aan u dooneyno inaan uga qeyb galno iyo sida aan rabno barnaamijka inaan u riixno,” ayuu yiri.

Waxa uu Dr Cabdisalaan Hadliye sharraxay tallaabooyinka muhiimka ah ee loo qaadayo si loo hirgeliyo in Soomaaliya ay ku biirto dalladda EAC.

“Qorshe ayaa la dejiyay waxaana haray ilaa afar tallaabo oo kale oo muhiim ah, kuwaasoo hubinta ay ugu horreyso bisha January. Waxaa xiga wada-xaajood.”

Afar tiir ayuu ku dhisan yahay wada-xaajoodka, sida uu sheegay Dr Hadliye:

Sidii loo mideyn lahaa canshuuraha
Sidii loo furi lahaa suuqa ganacsiga
Sidii lacag loo wada sameysan lahaa
Sidii looga wada-shaqeyn lahaa in xagga siyaasadda
Sameynta lacag ka dhaxeysa dalalka urur goboleedka EAC ayu uku tilmaamay mid “uusan waqtigeedu dhaweyn hadda”.

Muxuu yahay ururka EAC?Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, ka dib heshiis ay gaareen qaar ka mid ah dalalka uu hadda ka kooban yahay, oo kala ah: Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, Suudaanta Koonfureed, Tanzania iyo Uganda.

Suudaanta Koonfureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkan.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeega xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ilaa iyo haatanna ma jirto jawaab laga siiyay arrinkaas.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka, waxaana taageeradeeda ay muhiim u tahay damaca Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here