Afar Arday Oo Ku Dhimatay Galgaduud Iyo Galmudug Oo Ka Hadashay

0
381

Afar Arday Oo Ku Dhimatay Galgaduud Iyo Galmudug Oo Ka Hadashay

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay qarax ay ku dhinteen afar arday ah oo ku noolaa deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wasaaradda waxbarashada, hiddaha & tacliinta sare ee Galmudug ayaa xaqiijisay in afar carruur ah oo ku noolaa deegaanka Bangeelle ay dhinteen kadib markii ay ku qaraxday aalad loo malaynayo inay ahayd haraadiga waxyaalaha qarxa.

Magacyada ardaydaas iyo heerka waxbarasho ayay shaacisay wasaarada waxbarashada ee Galmudug iyadoo ugu baaqday ardayda inaysan ku ciyaarin amaba aysan taaban waxyaalaha aan la garanayn ee ay arkaan.

Magacyada ardayda geeriyootay ayaa lagu kala sheegay Cabdullaahi Shugri Maxamed Waxuu Dhiganayay Fasalka 6aad,Axmed Wali Qorane Nuur Fasalka 4aad, Sharmaake Cabdiqaadir Nuur Cabdille Faslka 4aad iyo Kaamil Daroor Maxamed Cali Fasalka 3aad.

Carruurta ku geeriyootay waxyaalaha qarxa ayaa ah mid ka dhacda deegaanada ka tirsan gobolka Galgaduud oo hore ay ugaga dhaceen dagaalo sokeeye ayna saameyn weyn ku leedahay dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia iyadoo xeryo milatari ay ka dhisnaayeen deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here