DEG DEG : Gudoomiya Shirkadda Telesom Oo ku Guuleystay Abaalmarinta ugu Saraysa Dhinaca Technology-ga ee Qaaradda Africa

0
698

DEG DEG : Gudoomiya Shirkadda Telesom Oo ku Guuleystay Abaalmarinta ugu Saraysa Dhinaca Technology-ga ee Qaaradda Africa

Hargeysa (Dalmar-News):- Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa Xalay   Lagu Gudoonsiiyay Dalka South Africa Bilada ugu Sareysa Dhinaca Technology-ga ee Qaaradda Africa Ee Sanadkan 2018ka.

Waxay aheyd markii u horeysay ee gudoomiyaha shirkada Telesom u Tartamo Abaalmarintan Africacom .

 

 

Hoggaamiyaha Shirkadda Telesom Somaliland waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah in uu shirkadda uu mas’uulka ka yahay ku guulaysatay in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyada oo Somaliland ka dhigtay waddankii shanaad ee si habsami ah uu uga hirgalo adeegga moobilka lacagta la isugu diro (ZAAD) iyo waddankii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo adeegga sarrifka lacagta moobilka, taas oo isbeddel ballaadhan ku sameysay nolosha bulshada Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here