Qaar Kamid Ah Wadooyinka Muqdisho Oo Saakay Xiran

0
725

Qaar Kamid Ah Wadooyinka Muqdisho Oo Saakay Xiran

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda.

Ciidamo farabadna oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Somaaliya ayaa lagu arkayaa wadada Maka Al-Mukarama iyo Isgoyska Zoobe,halkaasi oo Maanta lagu wado in ay tagaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Sidoo kale waxaa Salaad Janaaso ah lagu tukan doonaan Isgoyska Zoobe,oo ah halka uu ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee Soomaaliya oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad aan waxba galabsan.

Qaraxii musiibada ahaa ee Zoobe ka dhacay Maanta oo kale 14-kii October ee sanadkii 2017,ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 500 qof halka ay ku dhaawacmeen 700 qof oo kale,kuwaasi oo ahaa dhamaantood dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here