Dhul-gariir laga cabsi qabo inuu ka dhaco qeybo ka mid ah Somalia & digniino laga bixiyey
Waxaa soo baxaya Warar ku saabsan in Dhulgariir uu ka saameeyn doono Xeebaha Bari ee Soomaaliya, waxaana laga digayaa in uu khasaare u geysto dadka iyo degaanka.
Website-ka ka faalooda Arrimaha dhulgariirka ayaa daabacay in dhulgariirku uu Soomaaliya ka saameeyn doono Tuuladda ku taala Xeebta Gobolka Bari ee Bareeda oo u dhow Degmadda Caluula.
Website-ka lagu Daabacay Xogta dhulgariirka la xiriirta ayaa lagu sheegay in Dhulgariirkaan uu heerkiisu yahay mid dhexe.
Heerka cabiraadda Dhulgariiryadda waxaa lagu sheegay in uu Noqon doono 4.5, Halka qotada hoose ee dhulka uu dhulgariirku gaari doonana ay tahay 10 KM.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 30-Jun-18 ayaa la sheegay in dhul gariirkaan laga filanayo Xeebaha bari ee Soomaaliya, Xuduntiisuna waxay Noqondoontaa sida Saadaasha lagu sheegay Bareeda.
Dhulgariirkan ee laga digayo ayaa waxaa laga dareemi karaa meesha xudunta u ah iyo dhulka ka agdhow, waxaana uu qasaare u geysan karaa Nolosha banii aadamka, sidoo kale waxaa uu sababi karaa bur-bur dhismooyinka, waxaa sidaas lagu daabacay barta ka faaloota musiibooyinka Dabiiciga ah ee natural Hazards.ch.
Dadka guryaha ku jira marka uu dhulgariirka Sameeyo waxaa haboon inay ka fogaaadaan darbiyada jilicsan, waxyaabaha soo dhacaya ee dhismooyinka saran, iyo in ay ka fogaadan Daaqadaha oo laga yaabo in ay soo go’aan.
Dadka Banaanka jooga ee aan ku jirin Dhismaha waxaa haboon in ay sameeyaan inta uu dhulgariirku socda in ay banaanka joogaan oo aysan dhismooyinka galin ama aysan raadksan gabaad.
Dadka gawaarida ku jira waxaa haboon in ay istaagan oo aysan dhaq-dhaqaaqin inta uu dhul gariirku socda, waana in ay ka fogadaan buundooyinka.
Xigasho: https://earthquake-report.com/2018/06/30/moderate-earthquake-bereeda-somalia-june-30-2018/