Suudaan oo dib u billowday in ay Moos u dhoofiso Sacuudiga
Dalka Suudaan oo dagaal Sokeeye galay sannadkii 2023 waxa uu galay xaalad kasoo kabasho colaadeed iyada oo weli xaaladdu adag tahay isla markaana ay jiraan xiisado u dhaxeeya dhinacyadii dagaalamay ee Shisheeyaha kala garabsanaya.
Gobolka Sinnaar oo hodan ku ah Khayraatka Dabiiciga ah maadaama uu leeyahay Dhul beereed ayaa dib u billaabay Dhoofinta Mooska waxaana loo raray Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Tani waa fariin muujinaysa soo kabashada Suudaan iyo in ay Dalal kala duwan oo horay wax uga dhoofsan jiray ay ku dhiirradaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen arrintaas.
Gobolka Sinnar ayaa ka mid ah deegaannada muhiimka u ah wax-soo-saarka beeraha ee Suudaan, waxaana dhaqaalaha dadka deegaanka uu si weyn ugu tiirsan yahay beeraha iyo dalagyada kala duwan kuwaas oo qaarkood loo dhoofiyo Dalal xiriirka kala dhaxeeya Suudaan.
Dowladda Aqoonsiga ka haysata Caalamka oo wajahaysa Kooxda ku xiran Imaaraatka ee RSF ayaa sheegtay in nidaamka iyo fursadaha wax dhoofinta ah ee lagu xoojinayo waxsoosaarka uu hodanka ku yahay Dalkooda ee loo iibgeyn jiray Dibadda.
























