Sunday, November 29, 2026
Home WARAR Qarax ka dhacay Afghanistan oo khasaare badan dhaliyay

Qarax ka dhacay Afghanistan oo khasaare badan dhaliyay

0
39

Qarax ka dhacay Afghanistan oo khasaare badan dhaliyay

Ugu yaraan toddoba carruur ah, laba nin iyo haweeney ayaa ku dhintay, ku dhowaad 100 qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla magaalada Asadabad, oo ah caasimadda gobolka Kunar ee bariga Afghanistan.

Cabdul Matin Qane, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Taliban, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in qaraxu ka dhashay “dayacaad iyo taxaddar la’aan” ka dhacday bakhaar ay shirkado macdanta qoda ay ku kaydinayeen walxaha qarxa, kaas oo ku dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Sida uu sheegay mas’uul maxalli ah, walxaha qarxa waxaa lagu kaydinayay guri ku yaalla magaalada Asadabad. Darbiga guriga ayaa ku dhegganaa iskuul, waxaana qaraxa walxahaasi uu sababay masiibada.

Samiullah Haqbiyan, afhayeenka Waaxda Warfaafinta iyo Dhaqanka ee gobolka Kunar, ayaa BBC-da u sheegay in qaraxu dhacay abbaaraha 10-ka subaxnimo ee Sabtidii, 27-ka Diseembar, isla markaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Haqbiyan ayaa sheegay in aan weli la xaqiijin tirada saxda ah ee dadka waxyeelladu soo gaartay.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay kordhi karto, iyagoo intaa ku daray in aan weli si buuxda loo ogeyn faahfaahinta dhacdada iyo sida uu qaraxu u dhacay.