Masar oo Hay’adda IMF dib ugu celinaysa $5.7 Bilyan oo ah deyn lagu leeyahay
Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa bisha soo socota ee December billaabaysa in ay iska yaryarayso lacagta deynta ah ay ku leeyahay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF taas oo ah $5.7 Bilyan oo Doollar si ugu dambayn deyntaas uga dhammaato sannadka 2030 sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Qaahira oo Warbaahinta xogtaan la wadaagay.
Wajiga koowaad ee Deyn bixinta ayay Xukuumadda Masar ku bixinaysaa $350 Milyan oo Doollar kaddiba si tartiib-tartiib ah ayay isaga dhammaystiraysaa bixinta deyntaas lagu leeyahay oo qorshuhu ahaa in ay halmar bixiso inkasta oo ay caqabad ku noqdeen dhibaatooyinka dhaqaale ee Dalkaas ka jira.
Xukuumadda Qaahira ayaa muddo 4 jeer ah lacagtaan kasoo amaahatay Hay’adda Lacagta Adduunka si ay ugu adeegsato mashaariic kala duwan sida kabka dhaqaalaha Dowladda iyo xal u helista dhinaatooyinka dhaqaale, sanadaha ay qaaday waa 2016, 2020 oo labo jeer ah iyo 2022 sida diiwaanka IMF ku xusan.
Dowladda Masar ayaa kordhisay ilaha dhaqaalaha Dalkeeda si ay isaga bixiso deyntaas kasii gudbaysa waqtigii loogu talagalay oo haddii ay waqtu kale ku darsato kusii kordhayo lacagaha dulsaarka ah ee deyntaas dulsaaran sida ay ku doodeen khubarrada dhaqaalaha Masaarida.
























