Wednesday, November 18, 2026
Home WARAR Ukraine oo weerar culus ku qaadday buundada Crimea iyo faahfaahin ka soo...

Ukraine oo weerar culus ku qaadday buundada Crimea iyo faahfaahin ka soo baxaysa

0
49

Ukraine oo weerar culus ku qaadday buundada Crimea iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ukraine ayaa weerartay buundada Crimea, oo ah waddada ugu weyn ee isku xirta Ruushka iyo dhulka Crimea ee uu Ruushku haysto, iyadoo adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo.

Ukraine ayaa sheegtay in weerarku ahaa aargoosi ka dhan ah duqeymaha Ruushka ee lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha dhaqaalaha dalkaas.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in weerarku ahaa wejigii toddobaad ee hawlgal toddobaadyo socday, kaas oo ay qorsheysay iskuna dubbaridday Hay’adda Amniga Ukraine, iyadoo la kaashanaysa taliska ciidamada.

Afhayeen u hadlay Aqalka Kremlin-ka ayaa ka jawaabay tallaabada Ukraine, isaga oo sheegay in buundada dib loo dhisi doono, isla markaana ay ka tayo fiicnaan doonto sidii hore.

Dhanka kale, ciidamada Ruushka ayaa shalay weeraray laba buundo oo dul mara webiga Dnipro ee caasimadda Ukraine ee Kyiv, iyo sidoo kale kaabayaal kale, sida uu sheegay duqa magaalada Vitali Klitschko.