Soomaaliya oo heshiis kala gashay Pakistan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17
Soomaaliya ayaa lagu soo warramay inay heshiis la gashay Pakistan oo ay ku doonayso inay ku hesho diyaaradaha dagaalka ee JF-17 Thunder, taas oo qayb ka noqonaysa dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib ugu dhiseyso kuna casriyeynayso Ciidanka Cirka dalka.
Warbaahinta Turkiga ee TRHaber ayaa sheegtay in Muqdisho iyo Islamabad ay heshiis ka gaareen helitaanka diyaaradaha JF-17, hase yeeshee dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin heshiis kama dambeys ah, iyadoo aan sidoo kale la shaacin tirada diyaaradaha, qiimaha heshiiska iyo waqtiga la filayo in la keeno.
Wararka ku saabsan diyaaradaha JF-17 ayaa soo baxay kaddib markii ay sii xoogeysteen xiriirka dhanka difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan. Toddobaadyo ka hor, wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Pakistan ayaa booqday Muqdisho, halkaas oo uu kulamo la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.






















