Dadka reer Yemen oo macluul darteed gaaray in ay caleenta cunaan

0
720

Dadka reer Yemen oo macluul darteed gaaray in ay caleenta cunaan

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ayaa sheegay in hey’adaha caalamiga ee dhanka gargarka ay ku guul-dareysteen dagaalka ka dhanka ah macluusha ka taagtan dalka Yemen.

Mark Lowcock ayaa golaha ammaanka ee QM uga warbixiyay xaaladda imika ka jirta dalkaasi, isagoo na ku tilmaamay mid faraha ka baxday dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Mark Lowcock ayaa waxa uu sheegay in saddax milyan iyo bar ay dhawaan ku darsami doonaan tradii hore ee ahayd 8 milyan ee qof ee macaluusha ay ku habsata dalka Yemen.

Waxaa uu intaa ku daray in durbaba ay jiraan waxyaabo ka dhashay macaluusha,taasi oo ay ka mid tahay in xitaa dadka ay billaabeen in ay cunaan caleenta geedaha sababtoo ah ma jiro qaab kale oo ay ku noolaadaan.

Mr Lowcock ayaa sheegay in malaayiin qof oo dadka reer Yemen ah aysan haysan dakhli joogto ah.

Mr Mark ayaa sheegay in maclimiinta iyo shaqaalaha caafimaadka aan wax mushaar ah la siin muddo labo sano ah.

Madaxa dhanka gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan la qaado tallaabo lagu xasilinayo dhaqaaalaha Yemen,laguna difaacayo rayidka islamarkana lagu kabayo kaabayaasha dhaqaalaha dalkaasi.

Dalka yemen sanooyiinkii ugu dambeeyay waxaa ka socday dagaal ay dad badan ku dhinteen islamarkana kumannaan qof ay ku barkaceen.

Dagaalkani ayaa u dhaxeeya xulufda uu Sacuudiga hogaamiyo iyo dowladda Yemen oo dhinac ah iyo kooxda Xuutiyiinta oo la sheego in ay Iiraan taageero ka helaan.

Waxaa xaaladda imika sii murjiyay dagaaladii ugu dambeeyay oo ka dhacay magaalada dekada leh ee Xudeyda.

Xulufada Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay in duqayno halkaasi ay ka gaysteen ay ku dhinteen dad rayid ah.

Waxa ay Qarmada Midoobay horey uga digtay dagaal xooggan oo labada dhinac ku dhexmara Xudeydah.

Waxaa xusid mudan in xudeydah ay tahay goobta kali ah ee gargaarka la gaarsiiyo dadka dhibaataysan ee reer Yemen uu ka soo dego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here