Wednesday, August 19, 2026
Home WARAR Xuutiyiinta oo weeraray warshadda sifeynta shidaalka ee Sacuudiga

Xuutiyiinta oo weeraray warshadda sifeynta shidaalka ee Sacuudiga

0
24

Xuutiyiinta oo weeraray warshadda sifeynta shidaalka ee Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegay inay mar kale diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ku bartilmaameedsadeen warshadda sifaynta shidaalka Sacuudi Carabiya ee Saudi Aramco taas oo ku taala magaalad Jizan..

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xuutiyiinta, Saba News Agency, weerarka waxaa loo qaaday aargoosi ay ku sheegeen xadgudub lagu sameeyay hawada Yemen.

Wakaaladdu waxay soo xigatay ilo milatari oo sheegay in Xuutiyiintu dhowr drone ku bartilmaameedsadeen xarumaha warshadda Aramco ee Jizan, iyagoo sheegay in weerarku ahaa jawaab ka dhan ah “xadgudubka hawada ee gobollada Saada iyo Hajjah” ee Yemen.

Xuutiyiinta, oo xulufo la ah Iran, waxay sidoo kale horey u weerareen maraakiib shidaal oo Sacuudigu leeyahay oo marayay Badda Cas, waxayna dhowr jeer bartilmaameedsadeen kaabayaasha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.

“Waxay sidoo kale marar badan bartilmaameedsadeen kaabayaasha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudi Carabiya.”